Dhageyso: Xarakada Al Shabaab oo Umadda Soomaaliyeed Ugu Hambalyaysay Munaasabadda Ciidda Kana Hadashay Xaaladda guud ee dalka.

Sunday August 11, 2019 - 10:25:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Xarakada Al Shabaab oo Umadda Soomaaliyeed Ugu Hambalyaysay Munaasabadda Ciidda Kana Hadashay Xaaladda guud ee dalka.

    Hoggaanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan Ee Ciidul Adxaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan Ee Ciidul Adxaa.

Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere ayaa kalimad uu jeediyay muslimiinta soomaaliyeed ku bogaadiyay acmaasha kheyrka ee maalmaha Ciidda.

Idaacadda Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay Kalimadda  uu jeediyay Afhayeenka Xarakada  Alshabaab Sheekh Cali Sheekh Cali Dheere.

Kalimaddan oo la dhageysan Karo muddo 16 daqiiqo ah waxa Uu Sheekh Cali Dheere Dadka Muslimiinta ugu Tahnideeyay Munaasabadda Ciidul Adxaa oo ka mid ah Ciidaha Allaah SWC Uu Ku maneystay Addoomadiisa Muslimiinta ah.


Sheekh Cali Dheere ayaa sigaar ah ugu horeyn Tahniyadda Ciida ugu diray Mujaahidiinta Caalamka oo ay ugu horeeyaan Amiirul Mu’miniin Sheekh Mowlawi Heybatu-llaah iyo Sheykhul Amiir Xakiimul Ummah Ayman Al-dawaahiri Allaah hada dhowra.

Afhayeenka Xarakada  Alshabaab ayaa sidoo kale ugu baaqay Dadka Muslimiinta ee Allaah wax siiyay in Maalmahan Ciida Carafu si aad ah u gacan qabtaan Agoonta iyo Dadka Masaakiinta.

Dhanka Sheekh Cali Dheere ayaa ka hadlay Jabka iyo Fashilka heysta Kufaarta kusoo duushay dalka Somalia iyo sidoo kale Fashilka ay dhex dabaalaneyso dowladda Federaalka.

Sidoo kale Sheekh Cali Dheere ayaa Hambalyo u diray Odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka ee Iyagoo Towbadkeenayaal ah isku soo dhiibay Mujaahidiinta.

Related Items