Sawirro: Tobanaan kun Muslimiin ah oo Salaaddii Ciidda ku tukaday mid kamida garoomada ugu waaweyn dalka Mareykanka.

Monday August 12, 2019 - 14:42:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Tobanaan kun Muslimiin ah oo Salaaddii Ciidda ku tukaday mid kamida garoomada ugu waaweyn dalka Mareykanka.

    Kumanaan kun shacab muslimiin ah ayaa markii ugu horraysay Salaadda Ciidda ugu tukaday mid kamida garoomada kubadda cagta ee ugu waaweyn wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan kun shacab muslimiin ah ayaa markii ugu horraysay Salaadda Ciidda ugu tukaday mid kamida garoomada kubadda cagta ee ugu waaweyn wadankaasi.

Wararka ka imaanaya gobolka New Jersey ee dhaca waqooyi bari wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in dad aad ufarabadan ay si nabad gelya ah ugu tukadeen garoonka kubadda cagta Metlife.

Mas'uuliyiin u hadlay jaaliyadda muslimiinta Mareykanka ayaa sheegay in wadahadallo qaatay muddo 8 sanadood ah kadib ay ku guuleysteen in ay ku tukadaan garoonka.

Xaakimka gobolka New Jersey oo isna lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in tallaabada ay ugu ogolaadeen muslimiinta ku tukashada garoonka kubadda cagta Metlife ay qaataday muddo sanada ah wuxuuna meesha ka saaray in maxkamadda sare ee Mareykanka ay arrintan soo faragelisay.


Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli falalka islaam naceybka ay kusii kordhayeen dalka Mareykanka tan iyo markii uu Donald Trump uu noqday hoggaamiyaha Aqalka cad ah uunasoo rogay tallaabooyin cunsuriyadeed oo ka dhan ah dadka muslimiinta.






Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items