Faah Faahin: Dagaal 10 katirsan ciidamada Dowladda lagu dilay oo ka dhacay duleedka deegaanka Bariire.

Monday August 12, 2019 - 15:14:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Dagaal 10 katirsan ciidamada Dowladda lagu dilay oo ka dhacay duleedka deegaanka Bariire.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo shalay deegaan katirsan gobolka Shabeellaha hoose ku dhaxmaray maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka iyo xoogaga Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore ciidamo katirsan Al Shabaab oo Bariire ku sugan
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo shalay deegaan katirsan gobolka Shabeellaha hoose ku dhaxmaray maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka iyo xoogaga Al Shabaab.

Dagaal muddo saacada ah socday ayaa la xaqiijiyay in uu ka dhacay tuulo hoos tagta deegaanka Bariire ee dhaca duleedka degmada Afgooye.

Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca wabiga jiinkiisa ayaa sheegaya in dagaalka lagu dilay ugu yaraan 10 askari oo ah kuwa loo yaqaan Bangaraafta ama Danab, xoogaga Al Shabaab ayaa gacanta ku dhigay inkabadan 10 qori oo ay kusoo dagaal tageen ciidamada dowladda.

Idaacadda Andalus ayaa sheegtay in 'Mujaahidiintu' ay dileen ugu yaraan 10 askari ayna saanado hub ah kusoo furteen dagaalka, ilo wareedyo madax banaan waxay sheegayaan in Meydadka 7 askari lagu arkay tuulada Shaam oo Bariire hoos tagta.


Warar kale ayaa xaqiijinaya in saaka wabiga Shabelle lagu arkay Meydadka askar iyagoo dhaawac ah shalay isku tuuray wabiga, maanta barqadii ayay ciidamada dowladda markale dib ugu laabteen goobtii lagu dagaallamay si ay usoo aruuriyaan Meydadka saaxiibadoodi shalay lagu laayay dagaalka.

Waxaa aad u adag in tirakoob rasmi ah laga bixiyo khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay maadaama dhulka lagu dagaallamay uu yahay beero aseendooyin ah, waxaa laqiyaasayaan in dhimashada ciidamada dowladda ay tobanaan gaarsiisantahay marka loo eego Meydadka lageeyay saldhigga Bariire,kuwa goobta dagaalka looga cararay iyo kuwa wali baadi goobka loogu jiro.

Dagaallada ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka Bangaraafta ay shalay gelinkii hore weerar ku qaadeen dad rayid ah oo salaadda Ciidda ku tukanayay tuulada Shaam kadibna waxay gurmad xooggan ka heleen ciimada Al Shabaab oo aan goobta sidaas uga fogeyn.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items