Al Shabaab Oo Sarkaal iyo Askari Kenyaan ah ku dishay duleedka Mandheera iyo Weerar dad lagu qafaalay oo Gaarisa ka dhacay.

Wednesday August 14, 2019 - 08:15:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sarkaal iyo Askari Kenyaan ah ku dishay duleedka Mandheera iyo Weerar dad lagu qafaalay oo Gaarisa ka dhacay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore gaari laga gubay ciidanka Kenya
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira.

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Gaaris ayaa sheegaya in weerar qorshaysan oo ay fuliyeen ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay ku gubeen gaari xamuul ah oo ay laheyd Q.Midoobay.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar dhabbagal ah oo ka dhacay wadada xiriirisa magaalada Gaarisa iyo deegaanka Yumbis uu sababay gubashada gaari xamuul ah oo urarnaa Q,Midoobay islamarkaana ay gacanta ku dhigeen laba ruux oo gaariga la socday.


Sidoo kale Al Shabaab waxay sheegtay in weerar ay ciidamadeedu ka fuliyeen duleedka degmada Mandheera lagu dilay askari iyo sarkaal Kenyaan ah "Mujaahidiinta ayaa howlgal ay fuliyeen deegaanka Sinoow ee gobolka Mandheera waxay ku dileen sarkaal iyo askari katirsan dowladda saliibiyadda Kenyaan, weerar kale oo ay mujaahidiintu ka fuliyeen gobolka Gaarisa waxay ku gubeen gaari xamuul ah oo ay laheyd Q.Midoobay laba qof oo la socotana waa soo qafaasheen" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab oo ay baahisay Idaacadda Andalus.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku aaddan weeraradan cusub ee Al Shabaab ay ka fulisay gobollada Mandheera iyo Gaarisa ee dhulka Soomaalida NFD.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items