Ciidamada Al Shabaab Oo dib ula Wareegay Xaafado katirsan degmada Awdhgeele Ee Sh/Hoose.

Wednesday August 14, 2019 - 13:21:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo dib ula Wareegay Xaafado katirsan degmada Awdhgeele Ee Sh/Hoose.

    Waxaa isisoo taraya wararka ku saabsan weerar aad uxooganaa oo maanta ka dhacay degmada Awdheegle oo qiyaastii 70 KM ujirta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa isisoo taraya wararka ku saabsan weerar aad uxooganaa oo maanta ka dhacay degmada Awdheegle oo qiyaastii 70 KM ujirta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Weerarka oo loo adeegsaday gaadiid walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo ay kaxaynayeen dagaalyahanno naftood hurayaal ah ayaa sababay dhimashada tobanaan askar iyo saraakiil ah.

Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in inta badan xaafadaha degmada Awdheegle ay dib ula wareegeen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.

Ilo wareedyo ayaa
SomaliMeMo u sheegay in markii qaraxyada lagu weeraray saldhigga maleeshiyaadka dowladda kadib ay ciidamada Al Shabaab dhowr jiho kasoo galeen magaalada.


Ciidamada Al Shabaab ayaa isku fidiyay magaalada Awdheegle halka maleeshiyaadka dowladda kuwoodii ka badbaaday weerarka ay ufirxadeen dhanka deegaanka Bariire.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in waddooyinka muhiimka ah ee Awdheegle soo gala ay isku gedaameen ciidamada Al Shabaab kuwaas oo sida muuqata baacsanaya ciidamada dowladda ee isaga firxanaya deegaanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items