Ciidamo American iyo Bangaraaf ah oo lagu qarxiyay duleedka magaalada Kismaayo.

Thursday August 15, 2019 - 20:40:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo American iyo Bangaraaf ah oo lagu qarxiyay duleedka magaalada Kismaayo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo ay qaraxyo barbar socdeen oo maanta ka dhacay deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo ay qaraxyo barbar socdeen oo maanta ka dhacay deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

Wararka ka imaanaya deegaannada dhanka waqooyi uga beegan xarunta Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weeraro dhabbagal ah maanta gelinkii hore ciidamo huwan ah lagula beegsaday deegaanka Baar Sanguuni.

Wariye ku sugan Jubbooyinka ayaa
SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in dhowr qarax iyo weeraro jidgal ah ay lakulmeen ciidamo huwan ah oo isugu jiray American iyo maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan ee saldhigyada ciidanka Mareykanka lagu tababaray.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay afar askari oo dhaawac ah maanta gelinkii dambe geeyeen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Xoogaga Al Shabaab ayay u suurtagashay in qarax miino ay ku gubaan gaari Hamar ah oo ay la socdeen saraakiil caddaan American ah balse lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Ciidamadan weerarada xooggan kala kulmay xoogaga Shabaabul Mujaahidiin ayaa iyagoo watay 30 gaari oo nuuca qafilan ah waxay maanta barqadii dhaq dhaqaaqyo ka sameeyeen inta udhaxaysa deegaannada Buula Guduud iyo Baar Sanguuni.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladda goobihii lagu dagallamay ay caawa degantahay waxaana duleedka Kismaayo lagu arkayaa diyaarado nuuca Drone ka ah oo dul heebaabaya dhulka howdka ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items