Maleeshiyaad Hubeysan oo ku dagaallamay degmada Dhuusamareeb.

Sunday August 18, 2019 - 09:26:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad Hubeysan oo ku dagaallamay degmada Dhuusamareeb.

    Iska hor'imaad xooggan ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb ku dhaxmaray maleeshiyaad hubeysan oo kala taabacsan dowladda Farmaajo iyo kooxaha mushrikiinta ee Ahlusunna labaxay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska hor'imaad xooggan ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb ku dhaxmaray maleeshiyaad hubeysan oo kala taabacsan dowladda Farmaajo iyo kooxaha mushrikiinta ee Ahlusunna labaxay.

Wararka ka imaanaya xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in iska hor'imaad xooggan uu laba dhinac xalay fiidkii ku dhaxmaray hareeraha xarun loo asteeyay in lagu qabto shir lagu heshiisiinayo dhinacyada isku hayo maamulka dabadhilifka ah ee Galmudug.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in iska hor'imaadku dhaxmaray maleeshiyaadka Nabad sugidda ee daacadda u ah dowladda Farmaajo iyo kuwa loogu yeero Booliska oo ah maleeshiyaadkii Kooxaha mushrikiinta ee dhowaan lagu biiriyay dowladda.


Hoggaanka ugu sarreeya Kooxaha Mushrikiinta ayaa ka biya diiddan heshiisyadii ay bishii lasoo dhaafay lagaleen dowladda Federaalka, Heshiiskaas oo dhigayay in magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb lagu wareejiyo maamul taabacsan Villa Somalia.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladdu tahay mid kacsan waxaana xarunta shirka dib u heshiisiinta ee lagu dagaallamay ay la wareegeen ciidamo katirsan Nabad sugidda Dowladda.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items