Kheyre Oo Amray in Shaqada laga Eryo Agaasimihii Wasaaradda Amniga gudaha.

Sunday August 18, 2019 - 11:50:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kheyre Oo Amray in Shaqada laga Eryo Agaasimihii Wasaaradda Amniga gudaha.

    Xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasoo baxayo ayna xukuumadda Kheyre ku fashilantay sugidda ammaanka caasimadda ayaa shaqada laga eryay mid kamida mas'uuliyiinta wasaaradda amniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasoo baxayo ayna xukuumadda Kheyre ku fashilantay sugidda ammaanka caasimadda ayaa shaqada laga eryay mid kamida mas'uuliyiinta wasaaradda amniga.


War qoraal ah oo kasoo baxay Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ah Wasiirka amniga dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in shaqada laga Eryay agaasimihii guud ee wasaaradda ahaana nin si aad ah ugu dhow Xasan Cali Kheyre.

Agaasime Yuusuf Cali Maxamed ayaa shaqada laga eryay waxaana lagu bedelay nin lagu magacaabo Axmed Cabdi Kooshin, Ducaale ayaa sheegay in wasaaraddiisa ay muhiim utahay jagada agaasimaha sidaas daraadeed si KMG ah ay u magacaawday agaasime cusub.


Weeraradii isdaba joogga ahaa ee xoogaga Al Shabaab ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho ayaa sababtay in mas'uuliyiin iyo shaqaale katirsanaa xafiiyada R/wasaaraha iyo madaxweynaha shaqada laga Eryo halka kuwa kale ay wadnaha farta ku hayaan in ay shaqadooda waayaan.


Related Items