'Beesha Caalamka' Oo Hanjabaad kulul ujeediyay Axmed Madoobe iyo Doorashooyinkiisa Kismaayo.

Sunday August 18, 2019 - 12:33:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    'Beesha Caalamka' Oo Hanjabaad kulul ujeediyay Axmed Madoobe iyo Doorashooyinkiisa Kismaayo.

    Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa si kulul ucambaaraysay doorashooyinkii iskasoo horjeeday ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa si kulul ucambaaraysay doorashooyinkii iskasoo horjeeday ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal uu soo saaray James Swan oo ay Ergayga Q.Midoobay uqaabilsan Soomaaliya ayuu ku sheegay in 'Beesha caalamka' aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxda doorashooyinka Kismaayo.

James Swan ayaa uga digay maamulka Axmed Madoobe in uu kusii adkaysto doorashooyinka halka dhinac ah wuxuuna soo jeediyay in siyaasiyiinta mucaaradka ah laga qeyb geliyo doorashooyinka baarlamaaniga ah iyo kuwa madaxtinimada.

Q.Midoobay ayaa ku eedaysay maamulka 'Jubbaland' in uu baxay balan qaadkiisi ahaa in uu u hoggaansamayo rabitaanka dowladda Federaalka iyo waxa loogu yeero beesha Caalamka.


"Haddii Guddiga doorashada uusan wax ka qaban arrimaha taagan ee ay ka walaacsanyihiin dhinacyada ay quseyso, waxaa jirta halis ah in natiijada hanaanka doorashada uusan heli doonin taageerada buuxda ee lagama maarmaanka u ah in la joogteeyo xasiloonida iyo nabadda Jubaland" ayuu intaasi ku daray James Swan.

Kulan shalay ay magaalada Kismaayo ku yeesheen Xildhibaannada maamulka Axmed Madoobe ay ku doorteen guddoomiye baarlamaan iyagoona iclaamiyay in 22-ka bishaan ay qaban doonaan doorashada madaxweynaha!.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items