Ku Dhowaad 20 qof Shacab ah ayaa ku dhintay duqeymo ka dhacay Waqooyiga Suuriya.

Monday August 19, 2019 - 13:15:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku Dhowaad 20 qof Shacab ah ayaa ku dhintay duqeymo ka dhacay Waqooyiga Suuriya.

    Wadanka Suuriya waxaa dib ugasoo cusboonaaday weerarada laayaanka ah oo diyaaradaha dagaalka ruushka iyo kuwa bishaar al-asad ay ugeysanayaan dadka shacabka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Suuriya waxaa dib ugasoo cusboonaaday weerarada laayaanka ah oo diyaaradaha dagaalka ruushka iyo kuwa bishaar al-asad ay ugeysanayaan dadka shacabka ah.



Wararka ka imaanaya gobolka Idlib ee dhaca waqooyiga wadankaas ayaa sheegaya in ugu yaraan 18 qof oo ubadan carruur iyo dhaween ay dhinteen tobanaan kalane ay dhaawacmeen kadib markii diyaaradaha cadawga ay duqeymo ba'an ka geysteen magaalooyinka xaas iyo ariixa oo dhammaantood dhaca baadiyaha koonfureed ee gobolka Idlib.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa warbaahinta u sheegay in dad dhaawacyo ah iyo meydad ay ku hoos xanibanyihiin burburka hoostiisa ayna la'yihiin fursad ay dadkaas kusoo badbaadiyaan sababa laxiriira duqeymaha oo ah kuwa aan kala joogsi laheyn.



Duqeymaha diyaaradaha cadowga ayaa beegsaday dhismayaal lagu hayo dadka barakacayaasha ah waxayna duqeymuhu geysteen burbur xooggan.

illaa 820 qof ayaa lagu xasuuqay waqooyiga Suuriya tan iyo markii ay duqeymuhu dib ubilaawdeen,ragga firfircoon ee soo tabiya dagaalka Suuriya waxay sheegeen in ciidamada nidaamka Al-asad iyo maleeshiyaadka iiraaniyiinta ay kaabiga ku hayaan magaalada istiraatiijiga ah khaan sheykhuun ee idlib

Related Items