Dowladda Imaaraatka oo taageertay go'aankii ay Hindiya kula wareegtay gobolka Kashmiir.

Tuesday August 20, 2019 - 12:00:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Imaaraatka oo taageertay go'aankii ay Hindiya kula wareegtay gobolka Kashmiir.

    Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqday in ay taageersantahay qaraarkii dhowaan ay qaadatay dowladda Hindiya ee ka dhanka ahaa shacabka muslimiinta Kashmiir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqday in ay taageersantahay qaraarkii dhowaan ay qaadatay dowladda Hindiya ee ka dhanka ahaa shacabka muslimiinta Kashmiir.

Safiirka  dowladda Imaaraatka ee magaalada New Delhi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallaabada ay Hindiya ku laashay maadada 370-aad ee dastuurka dalkeeda  oo gobolka Kashmiir si toos ah u hoos gaynaysa gumeysiga Hindiya ay tahay mid horumar ah oo gacan ka geysanayasa baahinta awoodda dowladeed.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Abu Dubai ninka lagu magacaabo Max'med Bin Zaayid ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu billad dahabi ah ku guddoonsiiyay R/wasaaraha Hindiya.



Wakaaladda wararka Imaaraatka ayaa faafisay in Narendra Modi oo ah R/Wasaaraha Hindiya la guddoonsiiyay Billadda Zaayad, sababta billadan qaaliga ah loo guddoonsiiyay R/Wasaaraha Hindiya ayaa lagu sheegay wax qabad wanaagsan iyo u adeegidda nabadda!.

Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda New Delhi ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxay kusoo dhowaysay yabooha uga yimid dowladda Imaaraatka, Narendra Modi ayaa la sheegay in uu booqan doono magaalada Abuu Dubai 23 illaa  24-ka bishan Augst 2019.

Dowladda Hindiya ayaa gummaad ku haysa muslimiinta laga tirada badanyahay ee ku dhaqan gobolka Kashmiir iyo gobollada kale waxaana xusid mudan in R/Wasaaraha Hindiya uu kasoo jeedo xisbiga talada haya ee  Hinduuska  xagjirka ah oo tan iyo markii uu talada lawareegay qaaday tallaabooyin lagu ciriirinayo muslimiinta.

Related Items