Weerar Askar Kenyaan ah lagu dilay xarun shirkad isgaarsiineedna lagu gubay oo ka dhacay Mandheera.

Wednesday August 21, 2019 - 10:34:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar Kenyaan ah lagu dilay xarun shirkad isgaarsiineedna lagu gubay oo ka dhacay Mandheera.

    Ciidamo katirsan dowladda Kenya ayaa lagu dilay weerar hor leh oo xoogagga Al Shabaab ay ka fuliyeen dhulka Soomaalida NFD ee ku jira gummeysiga Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore gaari laga gubay ciidanka Kenya
Ciidamo katirsan dowladda Kenya ayaa lagu dilay weerar hor leh oo xoogagga Al Shabaab ay ka fuliyeen dhulka Soomaalida NFD ee ku jira gummeysiga Kenya.

Wararka ka imaanaya dhulka NFD ayaa sheegaya in weerar ka dhacay duleedka degmada Mandheera uu sababay dhimashada 2 askari oo katirsan ciidamada Booliska dowladda Kenya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka oo ka dhacay tuulada Jabbi lagu gubay xaruntii shirkadda isgaarsiinta Safaricom ee deegaanka islamarkaana lagu dilay laba askari.

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa oo bishaan gudaheeda kala dhaca gobolka Mandheera, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin saraakiisha dowladda Kenya oo ku aaddan weerarkan ka dhacay tuulada Jabbi.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items