Denmark oo diiday in ay dowladda Mareykanka ka iibiso Jaziiradda Greenland.

Wednesday August 21, 2019 - 11:45:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Denmark oo diiday in ay dowladda Mareykanka ka iibiso Jaziiradda Greenland.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa baajiyay socdaal uu ku tagi lahaa wadanka Denmark ee dhaca qaaradda Yurub kadib markii ay soo baxeen fadeexado maaliyadeed oo uu ku lug yeeshay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka ayaa baajiyay socdaal uu ku tagi lahaa wadanka Denmark ee dhaca qaaradda Yurub kadib markii ay soo baxeen fadeexado maaliyadeed oo uu ku lug yeeshay.


Farriin uu Trump soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in uu dib udhigay booqashadii uu ku tagi lahaa wadanka Denmark sababa laxiriira diidmo ay madaxda wadankaas ka muujiyeen qorshe uu Mareykanku ku iibsan lahaa mid kamida Jaziiradaha Denmark.

Haweenayda R/wasaaradda ka ah Denmark ayaa beenisay warbixin lagu daabacay Wargeyska WST Journal ee kasoo baxa dalka Mareykanka warbixintaas oo daaha ka faydaysa damaca xukuumadda Washington ee ah in ay lacago Balaayiin dollar ah ku iibsato Jaziiradda Gareenland ee dalka Denmark balse ah maamul hoosaad.


Trump wuxuu sheegay in uu muddo laba isbuuc ah dib udhigay socdaalkiisa balse meesha kama saarin in uu booqan doono wadankaas "Jaziiradaha Gareenland ma ahan kuwa beec ah suurtagalna ma ahan in dhulkeena aan lacag ku bedelanno" sidaas waxaa tiri Matte Frederiksen oo ah R/wasaaraha Denmark.

Gareenland waa Jaziiradaha ugu waaweyn caalamka waxaana laga helaa kheyraad farabadan oo ay kamid yihiin macdanta,dheeman iyo dahab, malaayiin qof oo sanad walba udalxiis taga jaziiraddan ayaa qasnadda dowladda soo gela dhaqaale farabadan.

Related Items