Dagaallo udhaxeeya Al Shabaab iyo Ciidamada Dowlada oo ka dhacay degmada Qoryooleey iyo Warar kale.

Wednesday August 21, 2019 - 12:00:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dagaallo udhaxeeya Al Shabaab iyo Ciidamada Dowlada oo ka dhacay degmada Qoryooleey iyo Warar kale.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro iyo qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada Banaadir,Shabeellaha hoose iyo Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro iyo qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada Banaadir,Shabeellaha hoose iyo Baay.

Wararka ka imaanaya degmada Qoryooleey ayaa sheegaya in dagaal culus uu xalay gudaha degmadaasi ku dhaxmaray maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka iyo ciidamada Al Shabaab.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in iska hor'imaadyo xooggan ay xalay ka dhaceen Qoryooleey kadib markii ay xoogagga Al Shabaab weerar dhowr jiho ah ku qaadeen saldhigga booliska magaalada.

Dagaalka oo socday muddo ku dhow hal saac ayaa sababay in ciidamada Al Shabaab ay lawareegaan inta badan xaafadaha Qoryooleey, sida wararku sheegayaan dagaalkii xalay waxaa lagu dilay askari katirsan ciidamada melleteriga halka mid kale uu dhaawacmay.


Dadka deegaanka waxay sheegeen in markii ay joogsatay jabaqda rasaasta ay maqlayeen xoogaga Al Shabaab oo gudaha Qoryooleey ku takbiirsanaya, maleeshiyaadka dowladda ayaa markii dagaalka looga itaal roonaaday u firxaday dhanka saldhigga ciidanka Uganda ee Buundada magaalada.

Dhinaca kale xoogaga Al Shabaab ayaa xalay xaafadda Sanca ee degmada Yaaqshiid ku dilay sarkaal katirsanaa ciidamada Booliska, weerar qarax ah oo xalay ka dhacay gudaha degmada Qansaxdheere waxaa ku dhaawamay maleeshiyaad katirsan maamulka Koonfur galbeed ee dabadhilifka u ah ciidamada Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items