Doorashooyin iskasoo horjeeda oo ka socda magaalada Kismaayo.

Thursday August 22, 2019 - 11:45:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Doorashooyin iskasoo horjeeda oo ka socda magaalada Kismaayo.

    Magaalada Kismaayo waxaa ka bilaabatay doorashada madaxweynaha maamulka isku magacaabay 'Jubbaland'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Kismaayo waxaa ka bilaabatay doorashada madaxweynaha maamulka isku magacaabay 'Jubbaland'.

Xildhibaannada cusub ee maamulka iyo xildhibaanno kale oo ka socda dowladda Federaalka ayaa ku sugan hoolka doorashadu ka dhacayso oo ammaankeeda ay si aad ah u adkeeyeen ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Axmed Madoobe.

Kismaayo oo maalintii 2aad ku jirta Bandaw ayayna jirin cid geli karta iyo cid ka bixi karta, sidoo kale gudaha magaalada Kismaayo waxaa doorasho madaxweyne ku qabsanaya mucaaradka maamulka Jubbaland.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in siyaasiyiin uu kamid yahay Cabdi Rashiid Xidig ay iyana qabsanayaan doorashooyin madaxtinimo, boqolaal katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa ilaalinaya ammaanka goobta ay doorashada ku qabsanayaan siyaasiyiinta ujan jeera dhanka dowladda Federaalka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items