Dagaal Ooge hore oo loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Thursday August 22, 2019 - 19:18:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Ooge hore oo loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

    Wareegto kasoo baxday xafiiska Max'med Cabdullaahu Farmaajo ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wareegto kasoo baxday xafiiska Max'med Cabdullaahu Farmaajo ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Dagaal Ooge hore  Cumar Maxamuud Maxamed oo ku magac dheer (Cumar Finish) ayaa loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuuna bedelay Eng.Yariisoow oo koowdii bishan Agoosto udhintay dhawac kasoo weerarkii Al Shabaab ee xarunta dowladda Hoose.

Cumar Finish oo sanadadii lasoo dhaafay kamid ahaa xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Federaalka ayaa caan ku ahaa dagaalladii ahliga ahaa ee magaalada Muqdisho ka billaawday sagaashameeyadii.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa dagaal lagu hoobtay horay ula galay Muuse Suudi Yalaxoow oo hadda kamid ah xubnaha aqalka sare ee dowladda Federaalka sidoo kale wuxuu ku lug lahaaday weeraro ka dhan ah waxa loogu yeero 'Argagaxisada' oo Mudisho ka dhacay sanadihii 2005 illaa 2006.


Cumar Finish ayaa sanaddii 2006 isku dhiibay Midowgii Maxaakiimta Islaamiga kadib markii laga adkaaday isbahaysigii Argagaxisa ladirirka ee uu kamid ahaa.

Sidoo kale Xasan Cali Kheyre ayaa shaqadii uu hayay ka eryay Jeneraal Indho Qarshe oo ku magacaawnaa taliyaha ciidamada Xoogga waxaana lagu bedelay nin lagu magacaabo Odawaa Raage.

Taliyaha cusub ee Nabad sugidda ayaa loo magacaabay Fahad Yaasiin oo kamid ah siyaasiyiinta sida aadka ah ugu dhow Farmaajo islamarkaana ah wakiilka dowladda Qadar ee Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items