Ciidamo American ah oo qarax khasaara dhaliyay lagula beegsaday duleedka Kismaayo.

Saturday August 24, 2019 - 10:00:40 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo American ah oo qarax khasaara dhaliyay lagula beegsaday duleedka Kismaayo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo American ah oo ku sugan Ciraaq
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya deegaanka Buula Guduud ayaa sheegaya in halkaas qarax xooggan lagula eegtay ciidamo huwan ah oo shalay dhaq dhaqaaq ka sameeyeen deegaannada dhanka waqooyi uga beegan Kismaayo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax miino lala helay gaari qafilan oo ay la socdeen ciidamo Mareykan ah, dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxu uu waxyeello gaarsiiyay gaari Hamar ah waxaana jira dhimasho iyo dhaawac gaaray ciidamadii la socday.

Meydka Askari katirsan ciidamada maamulka 'Jubbaland' ayaa lageeyay garoonka diyaaradaha Ksimaayo iyadoona khasaaraha gaaray askarta caddaanka ah lagu daabulay diyaarado nuuca qumaatiga ukaca ah oo kusoo degay goobta qaraxu ka dhacay.


Dhinaca kale sedax askari ayaa dhimatay kadib markii qarax xooggan uu ka dhacay goob ay maandooriyaha khaatka ku cunayeen deegaanka Qaam qaamka oo ku dhow magaalada Kismaayo.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamadii huwanta ahaa ee shalay dhaq dhaqaaqyada sameeyay ay dib ugu laabteen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo iyagoo dhimasho iyo dhaawacyo wata.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items