Ciidamada Kenya oo burburiyay Xaruntii Shirkadda Hormuud ee deegaanka Cowsqurun.

Saturday August 24, 2019 - 21:10:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kenya oo burburiyay Xaruntii Shirkadda Hormuud ee deegaanka Cowsqurun.

    Iyada oo ay weli sii socoto burburinta ay Ciidanka Kenya ku hayaan xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya ee Gobollada Jubbooyinka & Gedo ayaa Ciidanka Kenya shalay Jimco, August 23, 2019 burburiyeen xaruntii ay Shirkadda Hormuud ku leheed t

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyada oo ay weli sii socoto burburinta ay Ciidanka Kenya ku hayaan xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya ee Gobollada Jubbooyinka & Gedo ayaa Ciidanka Kenya shalay Jimco, August 23, 2019 burburiyeen xaruntii ay Shirkadda Hormuud ku leheed tuulada Cows-qurun oo hoos tagta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.


Ciidanka Kenya ayaa gubista xaruntaan waxa ay u adeegsadeen Qaraxyo ay ku xireen dhammaan derbiyada dhismaha iyagoo ka dibna qarxiyey, waxaana goobta ku bur buray Dhismihii Shirkadda & qalabkii yiiley oo ka koobnaa BTS, Link-yo, 2 dab dhaliye, Tower & Agabkii kale ee Xarunta Yiillay.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay burburinta xaruntan, waxaase ay dhibaato nololeed ku reebtay bulshada ku nool Deegaanka Cowsqurun & Tuulooyinka ku xeeran, maadaama ay dadku isticmaalaan lacagta Telephones-ka la isugu diro ee EVC Plus.


Afhayeen u hadlay shirkadda Hormuud Telecom ayaa Saxaafadda u xaqiijiyey in Ciidanka Kenya burburiyeen xarun shirkaddoodu ku leheed Deegaankaasi.

Ciidanka Kenya ayaa sanadihii la soo dhaafay burburin sharci darro ah ku hayey Xarumaha Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud sida: Jaldeys, Cali Buley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley & Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose & Gedo.




Related Items