Sarkaal katirsan Ciidanka dowladda iyo Askari ilaala u ahaa oo Muqdisho lagu dilay.

Sunday August 25, 2019 - 12:20:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsan Ciidanka dowladda iyo Askari ilaala u ahaa oo Muqdisho lagu dilay.

    Weerar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo xalay ka dhacay degmada Dharkeynleey ee magaalada muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo xalay ka dhacay degmada Dharkeynleey ee magaalada muqdisho.

Xoogag hubeysan ayaa xalay galbeedka magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal katirsan ciidamada dowladda iyo Askari ilaala u ahaa.

Ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay dileen sarkaal darajadiisa ciidan lagu sheegay kabtan kaas oo magaciisa lagusoo gaabiyay Qaloocoow iyo askari ilaala u ahaa.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisa Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha, dilalka ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda ayaa si joogta ah uga dhaca degmooyinka gobolka Banaadir.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items