Weeraro Khasaara dhaliyay oo ka dhacay deegaanno Katirsan gobolka Sh/Hoose.

Tuesday August 27, 2019 - 12:22:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Khasaara dhaliyay oo ka dhacay deegaanno Katirsan gobolka Sh/Hoose.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro khasaara dhaliyay ka fuliyay deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro khasaara dhaliyay ka fuliyay deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Wanlaweyn ayaa sheegaya in weerar hubeysan oo askar lagu dilay uu ka dhacay deegaanka Warmaxan ee ku teedsan wadada laamiga ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 askari ay dhinteen kadib markii ay xoogaga Al Shabaab wadada ugaleen maleeshiyaadka dowladda, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta hub culus oo labada dhinac ay iska hor'imaadka isku waydaarsadeen.


Dhinaca kale xoogaga Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weeraro xooggan ku qaaday saldhig ay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ka sameysteen deegaanka Golweyn ee kaabiga ku haya degmada Buula Mareer.

Weerarada ka dhanka ah ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda ayaa si joogta ah uga dhacay degmooyin iyo deegaanno katirsan Sh/Hoose.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items