Dowladda Federaalka Oo Saanada hub ah ku daad guraysay magaalada Dhuusamareeb [Warbixin].

Tuesday August 27, 2019 - 12:41:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka Oo Saanada hub ah ku daad guraysay magaalada Dhuusamareeb [Warbixin].

    Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in xiisado hor leh ay ka dilaaceen magaalada Dhuusamareeb kadib markii halkaas ay ciidamo xooggan geysay dowladda Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in xiisado hor leh ay ka dilaaceen magaalada Dhuusamareeb kadib markii halkaas ay ciidamo xooggan geysay dowladda Farmaajo.

Ugu yaraan sedax diyaaradood oo sida saanado hub ah iyo ciidamo ayaa saaka markale ka degay garoonka diyaaradaha macmalka Dhuusamareeb oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaad daacad u ah dowladda Federaalka.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradahan ay dajiyeen Keydad hub ah iyo gaadiid dagaal taas oo ka dhigan in markii ugu horraysay ay dowladda Farmaajo joogitaan buuxa kuyeelanayso gobolka Galguduud oo muddo sedax sanadood ah ay ka maqanneed.


Sanaddii 2015 dagaal culus oo maleeshiyaadka suufida iyo ciidamada dowladda ku dhaxmaray Dhuusamareeb ayaa sababay in degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb laga saaro ciidamadii dowladdii iyo guddoomiyihii Galguduud ugu magacaawnaa DF-ka ninka lagu magacaabo Xuseen Wehliye Cirfo.

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo daacad u ah Macalin Maxamuud ayaa lagu arkayaa waddooyinka magaalada Dhuusamareeb balse waxaa la sheegayaa in awood ahaan aysan ubabac dhigi karin ciidamada DF-ka ee halkaas kusii xoogeysanayay isbuucyadii lasoo dhaafay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamo Jabuutiyaan ah oo qorshaynayay in ay gudaha ugalaan Dhuusamareeb ay diidmo kala kulmeen Maleeshiyaad daacad u ah Kooxaha Suufida, suufida ayaa diidan in ciidamo ka socda AMISOM ay tagaan Galguduud balse taas bedelkeed waxay soo jeediyeen in ciidamo Itoobiyaan ah lagu bedelo kuwa Midowga Afrika.

Boqolaal katirsan Ciidamada Jabuuti oo ka amba baxay magaalada Beled Weyne ayaa lagu celiyay degmada Matabaan oo kala qeybisa gobollada Hiiraan iyo Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dhinaca degmada Guriceel kama jiraan wax xiisada colaadeed ah waxaana degmada si buuxa umaamulaya maleeshiyaadka Kooxaha Suufida ee caanka ku ah la shaqeynta Itoobiya.

Hoggaamiyaasha Kooxaha sheegta Ahlu Suna Waljamaaca waxaa wali u socda shira ay uga arrinsanayaan mustaqbalkooda siyaasadeed kadib markii ay dowladda Farmaajo ku eedeeyeen in ay uga baxday dhammaan ballamadii ku xusnaa heshiiskii dhinacyada dhaxmaray.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items