Sawirro: Ciidamada AMISOM Oo Cuuryaamin ku haya Beeralayda Gobolka Sh/Hoose.

Tuesday August 27, 2019 - 13:03:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Ciidamada AMISOM Oo Cuuryaamin ku haya Beeralayda Gobolka Sh/Hoose.

    Ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa dhibaata xooggan ku haya beeralayda ku sugan deegaanno hoos yimaad degmooyinka Qoryooleey iyo Janaale ee Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa dhibaata xooggan ku haya beeralayda ku sugan deegaanno hoos yimaad degmooyinka Qoryooleey iyo Janaale ee Sh/Hoose.



Degmada Jannaale  waxaa ka dhacay duqeymo loo adeegsaday madaafiicda goobta oo ay geysteen ciidamada Shisheeyaha ee saldhigga ku leh deegaanka Danow oo u dhow Jannaale.

Duqeymahan oo ay Shisheeyuhu u adeegsadaan hubka cul culus ee hoobiyaasha iyo Tangiyada ayaa intooda badan ku dhacay beeraha Jannaale waxaana ay waxyeello gaartay dalagii ku yaalay beeraha.

Wariyaal katirsan Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa booqday goobihii ay duqeymuhu ka dheceen waxayna indhahooda kusoo arkeen raadadkii duqeymaha iyagoona Sawirro kasoo qaaday.



Dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale ciidamada Shisheeyaha ay duqeeyeen beeraha hoosyimaada Jannaale, waxaana dadka beeraleyda ah ay sheegeen in loo diidanyahay nabadda iyo wanaaga ay ku noolyihiin.

Gobolka Shabeellaha Hoose waa gobolka ugu waxsoo saarka badan waxaana gobalka kasoo go'a inta badan khudaarta iyo dalagyada laga isticmaalo dalka Soomaaliya, cuuryaaminta ay AMISOM ku hayso beeralayda gobolka ku dhaqan ayaa loo arkaa mid lagu wiiqayo horumarka dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed.














Isha Sawirrada: Radio Alfurqaan

Related Items