AFRICOM Oo War Kasoo Saartay duqeymo been Abuur ah Oo ay Tabisay Warbaahinta Soomaalida.

Tuesday August 27, 2019 - 20:03:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AFRICOM Oo War Kasoo Saartay duqeymo been Abuur ah Oo ay Tabisay Warbaahinta Soomaalida.

    Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Africa oo marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan AFRICOM ayaa maanta si kulul u beeniyay warar been abuur ah oo waayadii dambe qaar ka mid ah mareegaha Internetka iyo Idaacadaha ka howlgala Soomaaliya ay kus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Africa oo marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan AFRICOM ayaa maanta si kulul u beeniyay warar been abuur ah oo waayadii dambe qaar ka mid ah mareegaha Internetka iyo Idaacadaha ka howlgala Soomaaliya ay kusoo tabinayeen duqeymo ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen gobollada ay ka taliso Xarakada Al-Shabaab.

War kooban oo ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa si gaar ah farta ugu fiiqday duqeyn qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ay hadal hayeen maalintii shalay taas oo ay sheegeen inay ka dhacday deegaanada ay ka taliso Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa sheegtay inaanu waxba ka jirin duqeyntaas waxaana warka ay soo saartay lagu yiri "Wararka ay tabinayaan website-yada Soomaalida ee ku saabsan duqeymo ay fulisay Africom intii u dhexeysay 25-26 August, waa mid waxba kama jiraan”.


Qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida gaar ahaan kuwa u janjeera dhanka maamulka Farmaajo ayaa bilihii la soo dhaafay dhaqan ka dhigtay inay soo tabiyaan duqeymo waxba kama jiraan ah oo ay sheegayaan in ay ka dhaceen gobollada ay ka taliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyagoo mararka qaar sheegaya goob gaar ah oo ay duqeyntu ka dhacday iyo dadka lala beegsaday duqeyntaasi.

Lama oga ujeedka warbaahinnadan ku riixaya inay sameeyaan been Abuur intan la eg balse waxay kusoo aadayaan iyadoo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay aad loo hadal hayey in dowladda Farmaajo ay dhaqaale xooggan ku laaluushtay qaar ka mid ah warbaahinta si ay u buuniyaan wax qabadkooda liita hanka kalena u daboolaan fashilka dhanka amniga iyo midka siyaasadeed ee ku habsaday dowladaas.

Related Items