Al Shabaab oo Weerar Khasaara dhaliyay ku qaaday ciidamo ku sugnaa duleedka Jowhar.

Wednesday August 28, 2019 - 11:16:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Weerar Khasaara dhaliyay ku qaaday ciidamo ku sugnaa duleedka Jowhar.

    Weerar hor leh oo dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar hor leh oo dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay xalay weerar xooggan ku qaadeen bar koontarool oo dhanka waqooyi uga beegan xarunta gobolka Sh/dhexe.

Ugu yaraan hal askari ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerarka oo xalay saqdii dhexe ka dhacay Koontoo 4 KM dhanka Buurane uga beegan magaalada Jowhar, Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka Hirshabelle oo ku aaddan weerarkii xalay dhacay, bisha gudaheeda ayay Al Shabaab sidaan oo kale weeraro uga geysteen Jowhar iyo hareeraheeda.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items