Al-Shabaab oo beeniyay in la qabtay sarkaal ka tirsan xafiiskooda Warfaafinta.

Thursday August 29, 2019 - 16:49:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo beeniyay in la qabtay sarkaal ka tirsan xafiiskooda Warfaafinta.

    Xarakada Al-Shabaab ayaa beenisay hadal kasoo baxay sirdoonka DF kaas oo lagu sheegay in la qabtay sarkaal ka tirsan xafiiska warbaahinta Xarakada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al-Shabaab ayaa beenisay hadal kasoo baxay sirdoonka DF kaas oo lagu sheegay in la qabtay sarkaal ka tirsan xafiiska warbaahinta Xarakada.


Sarkaal sare oo ka tirsan warfaafinta Xarakada Al-Shabaab oo ay la xiriirtay shabakada SomaliMeMo waxna ka waydiisay sheegashada sirdoonka DF ayaa shaaca ka qaaday in ninka sawirkiisa lasoo dhigay baraha internetka ee lagu sheegayo inuu yahay sarkaal iyaga katirsan uusan ka tirsanayn xafiiskooda.

"Ninka ay sirdoonka ridadu sawirkiisa kusoo bandhigeen baraha internetka ee ay ku sheegayaan inuu yahay sarkaal ka tirsan warbaahinta Mujaahidiinta ma ahan waxa ay ku sheegayaan kama tirsana weligiisna kama mid noqonin xafiiska warfaafinta Mujaahidiinta, wax xiriir ah oo kala dhexeeya xafiiska wafaafintana haba yaraatee ma jiro" sidaas waxaa yiri sarkaalka ay SomaliMeMo la hadashay.


Sarkaalka la hadlay SomaliMeMo ayaa intaas ku daray in ninka la sheegay in uu xafiiskooda ka tisanyahay uusan wligiis kamid noqon hawlwadeenada xafiiskaas, wax aqoon ah oo ay uleeyihiina haba yaraatee aysan jirin.

Warbaahinta ku hadasha afka maamulka Farmaajo ayaa maalmihii lasoo dhaafay caado ka dhigatay baahinta warar been abuur ah kuwaas oo ay ku sheeganayaan dilka mas'uuliyiin ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin  si ay ugu daboolaan fashilka dhanka Amniga iyo siyaasada ee ka haysta gudaha iyo dibadda intaba.


SAWIR-ka Ninka ay DF sheegtay inuu ka tirsanyahay warbaahinta Al-Shabaab



Related Items