Maamulka 'Jubbaland' oo Kismaayo ka oogay dibad baxyo ka dhan ah Dowladda Federaalka.

Saturday August 31, 2019 - 12:30:38 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka 'Jubbaland' oo Kismaayo ka oogay dibad baxyo ka dhan ah Dowladda Federaalka.

    Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacay iskusoo baxayo lagu taageerayo maamulka isku magacaabay Jubbaland ee dabadhilifka u ah dowladda Kenya ee ciidamadeedu heystaan magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacay iskusoo baxayo lagu taageerayo maamulka isku magacaabay Jubbaland ee dabadhilifka u ah dowladda Kenya ee ciidamadeedu heystaan magaalada.



Wararka ka imaanaya xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maamulka Axmed Madoobe uu saaka dad kumanaan ah isugu geeyay fagaarayaasha magaalada wuxuuna ku qasbay in ay dhigaan dibad baxyo ka dhan ah dowladda Farmaajo.

Waddooyinka Kismaayo ayaa lagu arkayay ardayda iskuullada oo inta lasoo qasbay ku qeylinaya Erayo ay ku taageerayaan Axmed Madoobe uganasoo hor jeedaan dowladda Federaalka.



Mas'uuliyiin katirsan maamulka isku magacaabay Jubbaland oo dadka lasoo qasbay lahadlay ayaa eedayn kulul ujeediyay Kheyre iyo Farmaajo oo ay ku dhaleeceeyeen in ay go'doomin siyaasadeed iyo mid dhaqaale  kusoo rogeen Kismaayo.

Waa dibad baxii ugu horreeyay ee ka dhaca magaalada Kismaayo tan iyo markii uu Axmed Madoobe kusoo baxay doorashooyin ku sheegyo isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay Xarunta Jubbada Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items