Wasiirka Amniga maamulka 'Jubbaland' oo Muqdisho lagu xiray.

Saturday August 31, 2019 - 19:34:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga maamulka 'Jubbaland' oo Muqdisho lagu xiray.

    Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho ka xireen mid kamida mas'uuliyiinta maamulka isku magacaabay 'Jubbaland'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho ka xireen mid kamida mas'uuliyiinta maamulka isku magacaabay 'Jubbaland'.



Cabdi Rashiid Janan oo kamid ah siyaasiyiinta sida aadka ah ugu dhow Axmed Madoobe ayaa laxiray xilli uu ka degay diyaarad ka timid magaalada Kismaayo wuxuuna qorshaynayay in uu usii safro magaalada Addis Ababa.

Xariga Cabdi Rashiid Janan ayaa la rumeysanyahay in uu salka ku hayo khilaafka ka dhaxeeya dowladda Farmaajo iyo maamulka 'Jubbaland' balse warar soo baxay ayaa sheegayay in wasiirka amniga maamulka 'Jubbaland' loo heysto dil sanaddii 2015 ka dhacay xabsiga degmada Luuq ee gobolka Gedo.


Xarigga Wasiirka ammaanka maamulka Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya xilli dibad baxyo ballaaran ay maanta ka dhaceen gudaha magaalada Kismaayo dibad baxyadaas oo loogasoo horjeeday siyaasadda Farmaajo iyo Kheyer.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items