Saraakiil Boolis oo lagu dilay Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Sunday September 01, 2019 - 10:34:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Boolis oo lagu dilay Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubaysan oo shalay gelinkii dambe ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubaysan oo shalay gelinkii dambe ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.

Xoogag bastoolado ku hubeysan ayaa xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan ku dilay sarkaal katirsanaa ciidamada Booliska dowladda Federaalka gaar ahaan qeybta Canshuuraha ee Minishiibiyada loo yaqaan.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in rag hubeysan ay dileen Cabdi Faroole oo ku magac dheeraa Caddaawe oo caan ka ahaa degmada Kaaraan, xoogagii dilka gaystay ayaa si nabad gelya ah goobta uga baxsaday.

Dhinaca kale rag hubaysan ayaa xalay gudaha magaalada Jowhar ku dilay askari katirsanaa ciidamada Booliska maamulka Hirshabelle, ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga weerarka gaystay ay horay usii qaateen qori AK47 ah oo uu watay askariga ladilay.


Dhammaan dilalkan ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar waxaa mas'uuliyadooda sheegatay Xarakada Al Shabaab sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items