Mareykanka Oo sheegay in Hoggaamiyaal Al Qaacidda katirsan uu ku beegsaday Waqooyiga Suuriya.

Sunday September 01, 2019 - 10:50:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo sheegay in Hoggaamiyaal Al Qaacidda katirsan uu ku beegsaday Waqooyiga Suuriya.

    Dowladda Mareykak ayaa sheegtay mas'uuliyadda duqeyn dad badan ay ku dhinteen oo shalay ka dhacday waqooyiga Wadanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykak ayaa sheegtay mas'uuliyadda duqeyn dad badan ay ku dhinteen oo shalay ka dhacday waqooyiga Wadanka Suuriya.


War qoraal ah oo kasoo baxay taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn ay ka geysteen waqooyiga gobolka Idlib ee Suuriya ay ku dileen tobaneeyo katirsan Hoggaamiyaasha Al Qaacidda sida uu hadalka u dhigay.

Wariyaal ku sugan Suuriya ayaa soo sheegay in dadka duqeymaha ku dhintay ay kamid yihiin shacab rayid ah sida haween iyo carruur balse saraakiisha Mareykanka waxay ku doodayaan in ay beegsadeen hoggaamiyaal katirsan Ururka Al Qaacidda Faraciisa Suuriya.


Col. Earl Brown oo ah Afhayeenka taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa yiri "Waqooyiga gobolka Idlib ee Suuriya waxaan ku beegsanay isku imaatin ay ku sugnaayeen Hoggaamiyaasha Al Qaacidda" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka.

Ragga firfircoon ee soo tabiya dagaalka Suuriya ayaa sheegay in saraakiil katirsan Jabhadda Xureynta Shaam iyo Ururka Xuraasudiin ay kamid yihiin dadka ku shahiiday duqeynta balse dadka ugu badan ee ladilay waa shacab rayid ah.

Dowladaha Ruushka iyo Mareykanka ayaa gummaad ba'an ku haya shacabka Muslimiinta Suuriya iyagoo ku marmarsiyoonaya la dagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items