Cumar Finish oo Amar duldhigay Safaaradaha iyo Hoteellada Magaalada Muqdisho.

Monday September 02, 2019 - 07:52:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cumar Finish oo Amar duldhigay Safaaradaha iyo Hoteellada Magaalada Muqdisho.

    Cumar Finish oo ah guddoomiyaha cusub ee maamulka Gobolka Banaadir ugu magacaaban dowladda Federaalka ayaa soo saaray amarkii ugu horreeyay tan iyo markii uu xilka lawareegay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cumar Finish oo ah guddoomiyaha cusub ee maamulka Gobolka Banaadir ugu magacaaban dowladda Federaalka ayaa soo saaray amarkii ugu horreeyay tan iyo markii uu xilka lawareegay.

Amarkan cusub ayuu duldhigay safaaradaha shisheeye iyo Hoteellada ay deganyihiin madaxda dowaldda, wuxuu ku amray in ay qaadaan dhagaxaanta ay ku hor gooyeen xarumahooda.

Cumar Finish wuxuu dhagxaanta lagu xiray jidadka ku sifeeyay kuwa gacan wayn ka gaysanaya amni darrida ka jirta magaalada Muqdisho.

"Waxaan u sheegayaa xarumaha mas’uuliyiinta dowlada JFS, wasaaradaha, Hoteelada, iyo Safaaradaha u xiran wadooyinka magalada muqdisho in ay furaan si iskooda ah inta uusan talaabo qaadin Maamulka Gobolka Banaadir majiri doonto wado xiran amnina laguma sugi karo in shacabka laga xiro wadooyinka” ayuu yiri Cumar Finish oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.


Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa ballan qaaday in uu furi doono dhammaan waddooyinka xiran islamarkaana uusan ogolaan doonin in shacabka waddooyinka laga xiro balse waxaa lays weydiinayaa ma fulin doonaan ballanqaadkan mise wuxuu mari doonaa halkii uu maray Eng Yariisoow

Related Items