Yahuudda iyo Ururka 'Xisbullaah' oo xaalad deganaan ah ku dhawaaqay kadib markii ay madaafiic is dhaafsadeen.

Monday September 02, 2019 - 08:25:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yahuudda iyo Ururka 'Xisbullaah' oo xaalad deganaan ah ku dhawaaqay kadib markii ay madaafiic is dhaafsadeen.

    Maamulka Yahuudda iyo Ururka Xisbullaah isku magacaabay ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay in ay joojiyeen weeraro dhanka madaafiicda ah oo ay shalay isku dhaafsadeen deegaannada xuduud beenaadka dhaca.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Yahuudda iyo Ururka Xisbullaah isku magacaabay ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay in ay joojiyeen weeraro dhanka madaafiicda ah oo ay shalay isku dhaafsadeen deegaannada xuduud beenaadka dhaca.



Afhayeen u hadlay Melleteriga Yahuudda ayaa sheegay in xaaladdu caadi kusoo laabatay deegaannada dhaca xuduudda ay wadaagaan wadamada Lubnaan iyo Falasdiin.

Diyaaradaha dagaalka Yahuudda ayaa shalay duqeyn ba'an ka gaystay tuulooyin dhowr ah oo katirsan wadanka Lubnaan halkaas oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Ururka Xisbullaah ee Iiraan taabacsan.

"Sida muuqata dagaalkii waa dhammaaday kadib markii sawaariikhda lidka dabaabaadka lagusoo weeraray ciidamada Israa'iil kadibna aan jawaab adag ka bixinay" sidaas waxaa yiri taliyaha ciidanka Yahuudda ee Jabhadda Waqooyi.



Xasan Nasrullaah oo ah hoggaamiyaha Ururka Xisbullaah ayaa isna sheegay in aysan diyaar u ahayn in ay xaalad dagaal abuuraan balse ay is difaacayaan oo kaliya haddii lasoo weeraro.

Inkabadan 40 madfac ayay Yahuuddu ku weerartay tuulooyin katirsan Lubnaan kadib markii maleeshiyaad Shiico ah oo Iiraan xiriir laleh ay burburiyeen gaari Jiib ah oo ay wateen ciidamada Yahuudda balse majirin wax khasaara ah oo weerarkaas ka dhashay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items