Isbahaysiga NATO oo qiray in Askar looga dilay Weerar Taliban ay ka fulisay magaalada Kaabuul.

Thursday September 05, 2019 - 16:36:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbahaysiga NATO oo qiray in Askar looga dilay Weerar Taliban ay ka fulisay magaalada Kaabuul.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo khasaara badan dhaliyay oo Xarakada Jihaadiga ah ee Taliban ka fulisay bartamaha magaalada Kaabuul caasimadda wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo khasaara badan dhaliyay oo Xarakada Jihaadiga ah ee Taliban ka fulisay bartamaha magaalada Kaabuul caasimadda wadanka Afghanistan.


Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay dagaalyahan naftiis hure ah ayaa saaka aroortii hore beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamo American ah.

Warbaahinta maxalliga ah waxay sheegtay in weerarku oo ka dhacay afaafka hore ee faraca 40aad ee sirdoonka xukuumadda uu burbur xooggan u geystay kolonyadii gaadiidka ahaa ee labeegsaday.

Afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dileen 21 kamid ah ciidamada gummeysiga Jinsiyadaha kala duwan leh, dhinaca kale Isbahaysiga NATO ayaa xaqiijiyay in askar looga dilay weerarkii maanta.


Qoraal kooban oo NATO kasoo baxay ayaa lagu sheegay in askari American ah iyo mid kale oo u dhashay dalka Romania qeybna ka ah isbahaysiga lagu dilay weerarkii maanta oo ay ku sifeeyeen mid Argagaxiso.

Dhinaca kale weerar naf hurnimo oo ciidamo American ah lala beegsaday ayaa ka dhacay gobolka Loojar, war kooban oo kasoo baxay Taliban ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarkan balse faah faahin dheeri ah wali lagama helin khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items