Kenya oo ku guulaysatay in Maxkamadda ICJ ay dib udhigto doodda Dacwada Badda Soomaaliya.

Saturday September 07, 2019 - 08:36:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo ku guulaysatay in Maxkamadda ICJ ay dib udhigto doodda Dacwada Badda Soomaaliya.

    Waxa loogu yeero Maxkamadda cadaaladda aduunka ICJ ayaa sheegtay in dib loo dhigay dacwaddii u dhaxaysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadaneed murunka badda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero Maxkamadda cadaaladda aduunka ICJ ayaa sheegtay in dib loo dhigay dacwaddii u dhaxaysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadaneed murunka badda.

War qoraal ah oo kasoo baxay maxkamaddan  fadhigeedu yahay wadanka Holland ayaa lagu sheegay in kadib codsi uga yimid dowladda Kenya doodda dacwada dib loo dhigay illaa afarta Bisha Novembar ee sanadkaan.

Tallaabada dib loogu dhigay dacwada Badda ayaa larumeysanyahay in ay fursad weyn u tahay dowladda Kenya oo xusul duub ugu jirto sidii ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu qanci laheyd in ay ka tanaasulaan doodda maxkamadda islamarkaana murunka lagu xalliyo qaab wadahadal ah.


Isbuucii lasoo dhaafay ayay Kenya sheegtay in ay cayrisay qareenkii uqaabilsanaa dacwadda ICJ waxayna waddaa dadaal ay ku kiraysanayso qareenno cusub si ay udifaacaan sheegashadeeda ah in ay leedahay badda Soomaaliya.

Siyaasiyiin iyo saxafiyiin ayaa ku eedeeyay dowladda Farmaajo in ay wax ka ogtahay dib udhigidda dacwada badda, farriimo dhowr ah oo lagu faafiyay barta Twitterka ayaa si kulul loogu dhaleeceeyay mowqifka daciifnimada ah ee DF-ka ka qaadatay dib udhigista dacwada badda.

Sanaddii 2009 ayay xukuumaddii Shariif Sheekh Axmed dowladda Kenya ka iibisay qeyb kamid ah badda Soomaaliya gaar ahaan xeebaha gobolka Jubbada Hoose oo kaabiga ku haysa gobolka Lamu Kenya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items