Ciidamada AMISOM Oo magaalada Baraawe gaari ku jiirsiiyay qof Shacab ah.

Saturday September 07, 2019 - 09:20:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada AMISOM Oo magaalada Baraawe gaari ku jiirsiiyay qof Shacab ah.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada shisheeyaha AMISOM ay qof shacab ah jiirsiiyeen gaari gaashaaman.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore Muqdisho
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada shisheeyaha AMISOM ay qof shacab ah jiirsiiyeen gaari gaashaaman.

Ciidamada Uganda ee qabsaday magaalada Baraawe ayaa shalay gaari gaashaaman dulmarsiiyay mid kamida dhalinyarada caanka ka ah magaalada isagoona isla goobta ku geeriyooday.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in mid kamida gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM uu si bareer ah ujiiray wiilka dhalinyarada ah, ciidamada ayaa socodkooda iskasii watay mana u istaagin qofka ay gaariga dulmarsiiyeen.


Odayaasha magaalada Baraawe ayaa aas u sameeyay Meydka Ninka  gaariga lajiirsiiyay waxayna si kulul ucambaareeyeen falkan ay gaysteen ciidamada shisheeye, ma ahan markii ugu horreeyay oo ciidamada AMISOM ay qof shacab ah gaadiidkooda jiirsiiyaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items