Shaqaale ushaqeynayay Hay'ad Samal oo lagu dilay galbeedka Itoobiya.

Saturday September 07, 2019 - 12:04:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Shaqaale ushaqeynayay Hay'ad Samal oo lagu dilay galbeedka Itoobiya.

    Mid kamida hay'adaha reergalbeedka ee ka howgala bariga qaaradda Afrika ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay shaqadii ay ka haysay wadanka Itoobiya kadib markii ladilay qaar kamid ah shaqaalaheeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida hay'adaha reergalbeedka ee ka howgala bariga qaaradda Afrika ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay shaqadii ay ka haysay wadanka Itoobiya kadib markii ladilay qaar kamid ah shaqaalaheeda.



Hay'adda lagu magacaabo ka hortagga jaagada (Action Against Hunger) ayaa sheegtay in si KMG ah ay ujoojisay shaqadii ay ka haysay wadanka Itoobiya saacado kadib markii toogasho lagu dilay laba kamid ah howlwadeenadeeda.

War qoraal ah oo kasoo baxay hay'adda ayaa lagu sheegay in weerar ka dhacay gobolka Gambela lagu dilay laba mas'uul oo ka mid ahaa howlwadeenadeeda ka howlgalayay xarunta Nguenyyil Centre ee Itoobiya.

Warsaxaafadeed si cara leh loo qoray oo ay Action Against Hunger faafisay ayay ku sheegtay in ay hakisay howlgalladii quudinta iyo nafaqeynta carruurta ee ay ka wadday wadanka Itoobiya.



Saraakiisha ammaanka ee gobolka Gambela ayay hay'addu ku dhaliishay in ay ka gaabiyeen soo qabashada kooxihii hubeysnaa ee weerarka dhabagalka ah ku dilay howlwadeenadeedi, hay'addan ayaa Itoobiya ka shaqeynaysay tan iyo sanaddii 1985.

Dilalka iyo qafaalka ayaa kusii kodhayay wadanka Itoobiya tan iyo markii Abiy Axmed R/wasaare loo doortay waxaana gobollada Itoobiya ka dhacayay dagaallo ay ku hoobteen boqolaal qof.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items