Sirdoonka Ruushka oo Hoggaamiye Shiishaani ah ku dilay Wadanka Jarmalka.

Saturday September 07, 2019 - 20:16:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirdoonka Ruushka oo Hoggaamiye Shiishaani ah ku dilay Wadanka Jarmalka.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal dil ah oo dhowaan ka dhacay bartamaha magaalada Baariil ee caasimadda wadanka jarmalka, falkan dilka ah ayaa loo gaystay mid kamida hoggaamiyaashii muslimiinta Shiishaan ama Jeejniya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal dil ah oo dhowaan ka dhacay bartamaha magaalada Baariil ee caasimadda wadanka jarmalka, falkan dilka ah ayaa loo gaystay mid kamida hoggaamiyaashii muslimiinta Shiishaan ama Jeejniya.



Nin ku hubeysan bastoolad nuuca aan dhawaqa laheyn ah ayaa bartamaha magaalada Baarliin ku dilay Sulaym Khan Khankhushvili oo kamid ahaa jihaadiyiintii Ruushka kula dagaallamay dhulka Shiishaan.

Suleym oo 40 sana ji ahaa waxaa aad udoon doonayay sirdoonka KPG ee dowladda ruushka, saraakiisha booliska Jarmalka waxay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen ruuxa gacan ku dhiiglaha ah oo la tuhunsanyahay in uu katirsanyahay sirdoonka ruushka.


Falkan dilka ah oo dhacay jimcihii hore ayaa saamayn dhanka amniga ah ka abuuray gudaha wadanka Jarmalka waxaana laga yaabaa in xiisad dhanka diblumaasiyadda ah uu ka dhax abuuro Jarmalka iyo Ruushka.

ilo wareedyo sirdoon ayaa sheegaya in mukhaabaraatka ruushka uu falkan soo agaasimay wuxuuna u qaab egyahay weerarkii sanad ka hor ka dhacay ingiriiska ee lagula kacay camiil hore uga tirsanaa sirdoonka ruushka kaasi oo lagu magacaabo Sergey Scribal

Related Items