Qarax gaari looga ciidamada Dowladda oo ka dhacay duleedka Balcad.

Saturday September 07, 2019 - 20:52:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax gaari looga ciidamada Dowladda oo ka dhacay duleedka Balcad.

    Ciidamo katirsan dowladda Federaalka ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax lagula beegsaday deegaan katirsan Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan dowladda Federaalka ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax lagula beegsaday deegaan katirsan Sh/dhexe.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Balcad ayaa sheegaya in qarax xooggan uu haleelay kolonyo katirsan ciidamada Dowladda Federaalka xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirsa deegaanka Gololeey iyo Balcad.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxu uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamada melleteriga waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamadii gaariga la socday.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan gaariga lagu burburiyay balse illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidamada dowladda oo ku aaddan qaraxan gaariga looga burburiyay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items