Trump oo ku dhawaaqay in uu joojiyay Wadahadalladii kala dhaxeeyay Taliban sababna u yeelay.

Sunday September 08, 2019 - 08:50:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo ku dhawaaqay in uu joojiyay Wadahadalladii kala dhaxeeyay Taliban sababna u yeelay.

    Madaxweynaha dowladda Mareykanka ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in uu joojiyo wadahadalladii kala dhaxeeya Xarakada Jihaadiga ah ee Taliban oo muddo ku dhow 20 sanadood Afghanistan kula halgamaysa ciidamada shisheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Mareykanka ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in uu joojiyo wadahadalladii kala dhaxeeya Xarakada Jihaadiga ah ee Taliban oo muddo ku dhow 20 sanadood Afghanistan kula halgamaysa ciidamada shisheeye.


Donald Trump oo farriimo dhowr ah soo dhigay bartiisa Twitter ayaa sheegay in uu joojiyay dhammaan  wadahadalladii dhanka nabadda ee kala dhaxeeyay Taliban sababa la xiriira weerar askar American ah lagu dilay oo Talibaan ay isbuuc lasoo dhaafay ka fulisay magaalada Kaabuul.

Hoggaamiyaha Mareykanka wuxuu sheegay in uu gabi ahaanba joojiyay kulan qarsoodi ah oo maalinta Axadda uu Camp David kula yeelan lahaa hoggaamiyaal ka socda Taliban "waxaan joojiyay kulan aan la qaadan lahaa hoggaamiyaasha Taliban wadahadalladii Nabadanna waa lajoojiyay sababa laxariira iyagoo sheegtay mas'uuliyadda weerar 12 qof lagu dilay oo Kaabuul ka dhacay" ayuu tiri Trump.


Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in uu aad uga carooday dilka sarkaal katirsanaa ciidamada Mareykanka oo kamid noqday 12 katirsan NATO oo khamiistii lasoo dhaafay lagu dilay weerar ka dhacay hareeraha faraca 40aad ee sirdoonka xukuumadda Afghanistan.

Trump ayaa sababta uu u joojiyay wadahadallada Taliban ku sheegay iyagoo dilay askari dhankooda ku weynaay, hadalkan carada leh ee kasoo yeeray madaxweynaha Mareykanka ayaa imaanaya maalmo kadib markii xoogaga Jihaadiga Taliban ay laba howlgal oo naf hurnimo ku beegsadeen ciidamada Mareykanka ee Afghanistan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items