Boqorka Sacuudiga Oo wiilkiisa u magacaabay Wasiirka Tamarta.

Sunday September 08, 2019 - 09:09:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqorka Sacuudiga Oo wiilkiisa u magacaabay Wasiirka Tamarta.

    Amar boqortooyo oo kasoo baxay Hoggaamiyaha Sacuudiga Salmaan Bin Cabdul Caziiz ayaa shaqada looga Eryay wasiirkii wasaaradda Tamarta oo kamid ahaa mas'uuliyiinta ugu awoodda badan xukunka Aala Sacuud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amar boqortooyo oo kasoo baxay Hoggaamiyaha Sacuudiga Salmaan Bin Cabdul Caziiz ayaa shaqada looga Eryay wasiirkii wasaaradda Tamarta oo kamid ahaa mas'uuliyiinta ugu awoodda badan xukunka Aala Sacuud.


Boqorka Sacuudiga ayaa wasiirka cusub ee Batroolka u magacaabay wiilkiisa oo lagu magacaabo Cabdi Caziiz Bin Salmaan oo uu ku bedelay Khaalid Al Faalix oo la sheego in uu ahaa ninkii wax ka ogaa howlgalkii raafka ahaa ee lagu beegsaday ganacsatada waaweyn ee Sacuudiga.

Magacaabista wasiirka cusub ee Tamarta Sacuudiga ayaa ka dhigan isbedelkii ugu weynaa ee sanadkan lagu sameeyay hanaanka xukuumadda Aala Sacuud oo wajahaysa gabi dhaclayn siyaasadeed iyo mid dhaqaale.


Sedaxda Wiil ee hoggaamiyaha Sacuudiga ayaa xilal sarsare ka hayay dowladda waxaana kamid ah Max'med Bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha wadanka iyo Wasiirka difaaca.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items