Sarkaal katirsan Ciidamada AMISOM oo meydkiisa laga helay Xerada Xalane.

Sunday September 08, 2019 - 11:19:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsan Ciidamada AMISOM oo meydkiisa laga helay Xerada Xalane.

    Mid kamida saraakiisha ciidamada AMISOM ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ayaa Meydkiisa laga helay gudaha magaalada Muqdisho xilli ay sii kordhayaan kiisaaska is daldalaadda ah ee sufuufta ciidamada shisheeye ka dhax jirta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida saraakiisha ciidamada AMISOM ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ayaa Meydkiisa laga helay gudaha magaalada Muqdisho xilli ay sii kordhayaan kiisaaska is daldalaadda ah ee sufuufta ciidamada shisheeye ka dhax jirta.


Sarkaal lagu magacaabi jiray Edward Bagonza oo ka mid ahaa kaaliyayaasha Taliyaha AMISOM qeybta booliska ee ka howlgala gobolka Banaadir ayaa Meydkiisa laga helay qol konteennar ka sameysan oo ku dhaxyaal xerada Xalane.

qaabka loo dilay taliyahan faah faahin dheeri ah lagama bixin balse Col. Grace Turyagumanawe oo kamid ah saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa maalintii shalay xaqiijiyay in meydka Edward Bagonza laga helay qolkii uu ka deganaa xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin Soomaaliya.


Wararka ayaa intaas ku daraya in sarkaalka meydkiisa lahelay uu u dhashay dalka Uganda kana mid ahaa ciidamada AMISOM kuwa magaca boolis ku jooga dalka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay AMISOM qeybta booliska wuxuu shalay sheegay in ay qaban qaabinayaan qaabkii ay munaasabad aas ah ugu sameyn lahaayeen sarkaalka halaagsamay balse ma sheegin halka lagu aasi doono.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dowladaha Burundi iyo Uganda ayaa wajahaya xaalad nafsaani ah oo aad u daran waxaana loo aanaynayaa diifta iyo dhibaatada ay kala kulmayaan dagaalka daba dheeraaday ee ka socda dalka Soomaaliya wax ka badan 12 sanadood oo xiriir ah.

Billaawgii sanadkan ayay saraakiil sarsare oo katirsanaa taliska ciidamada Uganda waxay isku daldaleen gudaha Xerada Xalane, weerarada joogtada ah ee xoogga Al Shabaab ku qaadaan saldhigyada ciidamada Midowga Afrika  ayaa sababay dhimashada kumanaan kun oo askari

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items