Saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee labada Shabeelle oo weeraro xooggan lakulmay.

Monday September 09, 2019 - 12:13:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee labada Shabeelle oo weeraro xooggan lakulmay.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weeraro xooggan ku qaaday saldhigyo melleteri oo ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin deegaanno katirsan labada Shabeelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weeraro xooggan ku qaaday saldhigyo melleteri oo ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin deegaanno katirsan labada Shabeelle.



Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Marka ayaa sheegaya in xalay fiidkii weerar xooggan lagu qaaday saldhigga maleeshiyaadka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Saliini.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay abaara 8:00-dii fiidnimo ay xoogaga Al Shabaab dhowr jiho ka weerareen ciidamada  dowladda ee deegaanka saldhigga ku leh.

Rasaas xooggan oo labada dhinac isdhaafsanayeen ayaa muddo ku dhow 30 daqiiqo laga maqlayay deegaanka Ceel Saliini, dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in weerar hubeysan uu lakulmay saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada AMISOM.



Xoogag aad u hubeysan oo katisan Al Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhigga ciidamada Burundi ay uga suganyihiin deegaanka Biya Cadde oo qiyaastii 40 KM dhanka bari uga beegan degmada Mahadaay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items