Ciidamo ilaala u ah Xasan Cali Kheyre oo wiil dhalinyara ah ku dilay magaalada Baydhabo.

Monday September 09, 2019 - 13:27:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ciidamo ilaala u ah Xasan Cali Kheyre oo wiil dhalinyara ah ku dilay magaalada Baydhabo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal dil ah oo ciidamada ilaalada u ah R/wasaare Xasan Cali Kheyre ay shalay ka geysteen gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal dil ah oo ciidamada ilaalada u ah R/wasaare Xasan Cali Kheyre ay shalay ka geysteen gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.


Wararka ka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada booliska maamulka Koonfur galbeed ee qaabilsan sugidda Ammaanka Xasan Cali Kheyre ay toogasho ku dileen wiil dhalinyara ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan Deerow .

Goob joogayaal ayaa sheegay in toogashadani ay ka dhacday meel ku dhow garoonka kubadda cagta Dr Ayuubi ee magaalada Baydhabo xilli halkaas uu khudbad ka jeedinayay R/wasaaraha dowladda Federaalka.


Ciidamada dilka geystay ayaa sidoo kale xiray qaar kamid ah dhalinyarada magaalada Baydhabo oo ay sheegeen in ay ka shakiyeen, magaalada Baydhabo oo maalmahaan uu ku sugnaa Kheyre waxaa wax u eg bandow kusoo rogay ciidamada Xabashida Itoobiya.

Waddooyinka ugu muhiimsan Baydhabo waxaa xiray ciidamada Itoobiya oo wata gaadiidka gaashaaman iyo maleeshiyaadka katirsan dowladda waxaana muuqata in Xabashidu ay shacabka udhibaataynayaan socdaalka Kheyre.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items