Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Weeraro Muqdisho ka dhacay.

Monday September 09, 2019 - 16:36:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Weeraro Muqdisho ka dhacay.

    Xoogag hubeysan ayaa markale gudaha degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho ku dilay mid kamida ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jeneraal dhoorre ayaa ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay Xamar Jajab
Xoogag hubeysan ayaa markale gudaha degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho ku dilay mid kamida ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.


Wararka laga helayo Dharkeynleey ayaa sheegaya in rag hubeysan ay toogasho ku dileen Sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Xasan Guuleed, Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan salkaalka lagu dilay.

Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo lala beegsaday sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Booliska dowladda Federaalka.

Qaraxa oo ka dhax qarxay gaari ku sugnaa degmada Xamar Jajab ayaa sababay dhaawaca sarkaal sare oo boolis ah iyo askari ilaala u ahaa.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa uu si dirqi ah uga badbaaday Jeneraal Maxamed Cabdulle Dhoorre oo kamid ah saraakiisha sarsare ee Booliska waxaa sidoo kale dhaawac halis ah uu gaaray askari ilaala u ahaa.

Markii uu qaraxu dhacay kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo isugu jira boolis iyo Nabad sugid kuwaas oo qaaday dhaawaca Jeneraalka iyo askarigii la socday, illaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxan khasaaraha dhaliyay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items