Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax lagu dhaawacay Jeneraal DF uqaabilsanaa Xiriirka INTERPOL.

Tuesday September 10, 2019 - 11:56:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax lagu dhaawacay Jeneraal DF uqaabilsanaa Xiriirka INTERPOL.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qarax lagu dhaawacay mas'uul sare oo katirsan ciidamada Booliska dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qarax lagu dhaawacay mas'uul sare oo katirsan ciidamada Booliska dowladda Federaalka.


Qarax  shalay barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo lala beegsaday sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Booliska dowladda Federaalka ayay Xarakadu  sheegtay in lala beegsaday sarkaal ay ugu yeertay 'Murtad' kaas oo wada shaqeyn lalahaa sirdoonnada caalamiga ah.

Jeneraal Maxa’ed Cabdullaahi Dhoorre oo ah mas'uulka Police-ka dowladda Federaalka u qaabilsan arrimaha dibadda ahna isku xiraha Police-ka dowladda iyo INTERPOL  ayaa qaraxa lagula beegsaday isagoo maraya meel u dhow dekadda magaalada Muqdisho, taliyahan labeegsada waxaa gaaray dhaawac halis ah waxaana la dhigay isbitaallada ku yaala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


"Mujaahidiinta ayaa degmada Xamar Jajab dhaawac halis ah ku gaarsiiyay Jeneraal Max'med Dhoorre oo kamid ahaa saraakiisha Booliska kooxda Ridada islamarkaana katirsanaa waxa loogu yeero INTERPOL" ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Goobta uu ka dhacay qaraxa lagu beegsaday Jeneraal Dhoorre ayaa ah mid xasaasi ah oo ammaankeeda ay si aad ah u adkeeyaan ciidamada kala duwan ee dowladda sida Nabad sugidda iyo Booliska dowladda.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items