9 Askari Kenyaan ah oo ku dhintay Weerar Al Shabaab ay ka fulisay gobolka NFD.

Tuesday September 10, 2019 - 20:49:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 5 0
  • Share via Social Media

    9 Askari Kenyaan ah oo ku dhintay Weerar Al Shabaab ay ka fulisay gobolka NFD.

    Khasaara lixaad leh ayaa dhabarka loo saariyay ciidamada Melleteriga Kenya kadib weerar ballaaran oo xoogaga Al Shabaab ay markale ka fuliyeen deegaan katirsan dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa dhabarka loo saariyay ciidamada Melleteriga Kenya kadib weerar ballaaran oo xoogaga Al Shabaab ay markale ka fuliyeen deegaan katirsan dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira.


Wararka ka imaanaya gobolka Mandheera ayaa sheegaya in xoogag aa u hubeysan oo katirsan Al Shabaab weerar ku qaadeen meel ku dhow saldhigga ciidamada KDF ay ku leeyihiin deegaanka Ceelraam.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay ugu yaraan  9 askari Kenyaan ah islamarkaana lagu gubay illaa Afar gaari oo qaarkood ay yihiin nuuca gaashaaman ee Taawga loo yaqaan.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarkan oo dhacay maanta duhurkii lagu gubay afar gaari oo kala ahaa Taaw,Kooyal Mutibiish iyo Probox.

Weerarka ayaa ciidanka Kenya qabsaday daqiiqado kadib markii ay kasoo baxeen saldhigga ay ku leeyihiin Ceelraam waxayna kusii jeedeen dhanka Xuduud beenaadka gaar ahaan wadad aadda degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku aaddan weerarkan khasaaraha badan geystay ee ka dhacay gudaha dhulka Soomaalida NFD.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items