Qarax Askar lagu dilay oo ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Thursday September 12, 2019 - 08:47:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Askar lagu dilay oo ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara xooggan dhaliyay oo maleeshiyaad katirsan maamulka'Koonfur galbeed' lagula beegsaday mid kamida degmooyinka gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara xooggan dhaliyay oo maleeshiyaad katirsan maamulka'Koonfur galbeed' lagula beegsaday mid kamida degmooyinka gobolka Baay.

Wararka laga gelayo degmada Diinsoor ayaa sheegaya in qarax shalay gelinkii dambe ka dhacay gudaha degmadaas ay ku dhinteen illaa 2 askari oo mid kamida uu ahaa sarkaal.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax aad uxooggan uu ka dhacay goob isku imaatin ah oo ay maandooriyaha khaatka ku cunayeen maleeshiyaadka maamulka 'Koonfur Galbeed.

Sarkaal sare oo magaciisa lagusoo gaabiyay Max'med Gureey ayuu dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa Diinsoor ka dhacay waxaana loola cararay isbitaal kuyaal magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.


Degmada Diinsoor waxaa gummeysi ku heysta ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah waxaana ka hoos shaqeeya maamul dabadhilifka ah kaas oo dhibane la ah weerarada uga imaanaya Al Shabaab.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items