Askari katirsan ilaalada Wasiirka Amniga DF-ka oo gabar ku kufsaday Dhusamareeb.

Thursday September 12, 2019 - 09:29:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari katirsan ilaalada Wasiirka Amniga DF-ka oo gabar ku kufsaday Dhusamareeb.

    Ciidamada dowladda Federaalka ee dhowaan lageeyay magaalada Dhuusamareeb gobolka Galguduud ayaa bilaabay dhibaatooyin ay kula kacayaan dadka shacabka ah ee magaaladaasi deggan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda Federaalka ee dhowaan lageeyay magaalada Dhuusamareeb gobolka Galguduud ayaa bilaabay dhibaatooyin ay kula kacayaan dadka shacabka ah ee magaaladaasi deggan.

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in askari kamid ah ilaalada gaarka ah ee wasiirka ammaanka DF-ka uu fal kufsi ah ugeystay gabar 12 sana jir ah.

Askariga kufsiga gaystay ayaa isku dayay in uu dilo gabadha balse si kedis ah ayay falkaas uga badbaaday, dhacdadan ayaa si aad ah ayaa looga hadal hayaa xarunta gobolka Galguduud.

Odayaasha iyo waxgaradka magaalada Dhuusamareeb oo falkan ka dhiidhiyay ayaa warbaahinta u sheegay in askariga kufsiga geystay uu kamid yahay ciidamada ilaaliya Max'med Abuukar Isloow wasiirka ammaanka.


Dhinaca kale darawallada gaadiidka Moota Bajaajta ayaa dhigay dibad bax ay ugasoo horjeedaan lacago xad dhaaf ah oo uu duldhigay maamulka Galmudug garabka Xasan Cali Kheyre.

guddiga darawalada Dhuusamareeb oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in Bajaaj walba ladul dhigay lacag dhan 130 dollar, shacabka ku dhaqan degmooyinka ku teedsan wadada laamiga ah ayaa culays dhan walba ah kala kulmaya dowladda Federaalka oo joogitaankeedu ku cusubyahay gobolka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items