Dagaal culus oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Beled Weyne.

Thursday September 12, 2019 - 10:16:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal culus oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Beled Weyne.

    Iska hor'imaadyo xooggan ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska hor'imaadyo xooggan ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay saqdii dhexe ka dhaceen saldhigyo melleteri oo kuyaal bartamaha magaalada Beled Weyne.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa hubkii laysku dhaafsanayay laga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada Beled Weyne, xoogaga Al Shabaab ee weerarka qaaday ayaa gantaallada garabaha laga gemo ku beegsaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada huwanta ah.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay iska hor'imaadyadii xalay ka dhacay magaalada Beled Weyne, weerarkan ayaa imaanaya xilli ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISOM ay bishii lasoo dhaafay sameeyeen dhaq dhaqaaqyo ay ku sheegayaan in ay ku sugayaan amniga magaalada.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho

Related Items