Ciraaq:Xoogaga ISIS Oo Qabsaday Magaalada Talacfar Ee Shiicadu Ku Badantahay.

Monday June 16, 2014 - 05:50:44 in Wararka
  • (Rating 3.3/5 Stars) Total Votes: 6
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciraaq:Xoogaga ISIS Oo Qabsaday Magaalada Talacfar Ee Shiicadu Ku Badantahay.

    Dagaal saacado ban qaatay kadib ayay ciidamada mujaahidiinta dowladda Islaamiga ah si buuxda ula wareegeen magaalada Talacfar ee dhacda waqooyi galbeed Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mujaahidiinta ISIS oo guul udabaal degaya/Tikriit Ciraaq
Dagaal saacado ban qaatay kadib ayay ciidamada mujaahidiinta dowladda Islaamiga ah si buuxda ula wareegeen magaalada Talacfar ee dhacda waqooyi galbeed Ciraaq.

Wararka ka imaanaya Ciraaq ayaa xaqiijinaya in ciidamada ISIS ay gacanta ku dhigeen bakhaaro hub ah,gaadiid dagaal iyo Banki maxalli ah oo xukuumadda shiicada Al Maaliki laheyd.

Telefeshinka Al Jazeera ayaa sheegay in boqolaal dagaalyahan oo ISIS katirsan ay difaacyo ka qoteen saldhigga booliska,garoonka diyaaradaha iyo dhammaan xarumihii ciidanka.

kumanaan katirsan ciidamada shiicada Al Maaliki ayaa isaga baxsaday Talacfar  kadib markii ay dagaalladu sii xoogeysteen

Goob Joogayaal ayaa sheegay in boqolaal qof oo shiica ah ay guryahooda dhaxda kasoo xirteen iyagoona ka cabsi qaba in ciidamada mujaahidiinta ay dilaan.

Magaalada Talacfar waxaa ku badan shiicada Turkumaanta ah oo sanadadii lasoo dhaafay xoog lagu dejinayay iyadoona la ogyahay in aqlabiyadda dadka sunniyiinta ah ay magaalada leeyihiin balse si qasab ah ayaa lagu barakiciyay shacabkaasi muslimiinta sunniga ah.

Waa Magaaladii ugu dambeysay oo gobolka Naynawa katirsan ee gacanta cadawga ka baxda tan iyo markii mujaahidiintu maalmo ka hor ay qasadeen magaalada Muusil oo 60 KM ujirta Talacfar.

Dhinaca kale qaraxyo khasaara badan dhaliyay ayaa xalay fiidkii ka dhacay bartamaha magaalada Baqdaad ee xarunta wadankaasi Ciraaq.

Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhintay qaraxyada oo ka dhacay mandiqadda Albaab ee dhacda Koonfurta magaalada Baqdaad
goobta weerarku ka dhacay waxaa laga qorayay maleeshiyaad shiico mutadawiciin ah oo isku diyaarinaya in ay Baqdaad ka difaacaan Mujaahidiinta.

Related Items