Sawirro:Ciidanka Mareykanka iyo Ingiriiska oo Ku Dhawaaqay in ay soo gabagabeeyeen Dagaalka Afghanistan iyo Daalibaan oo isdiyaarinaysa.

Sunday October 26, 2014 - 19:53:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 7078
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:Ciidanka Mareykanka iyo Ingiriiska oo Ku Dhawaaqay in ay soo gabagabeeyeen Dagaalka Afghanistan iyo Daalibaan oo isdiyaarinaysa.

    Kadib 13 sanadood oo duullaan gardarra ah ay ku joogeen wadanka Afghanistan ayay dowladaha ku bahoobay isbaheysiga NATO waxay ku dhawaaqeen in ay soo gaba gabeeyeen duullaankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Ingiriiska oo dajinaya calanka dagaalka wadanka Afghanistan
Kadib 13 sanadood oo duullaan gardarra ah ay ku joogeen wadanka Afghanistan ayay dowladaha ku bahoobay isbaheysiga NATO waxay ku dhawaaqeen in ay soo gaba gabeeyeen duullaankaasi.


Munaasabad ka dhacday magaalada Kaabuul ayay Ingiriiska iyo Mareykanka kusoo idleeyeen dagaalkii ay uga jireen Afghanistan,wasiirka difaaca Ingiriiska oo kumanaan katirsan ciidankiisa kula hadlayay mid kamida saldhigyada ugu waaweyn Afghanistan ayaa sheegay in sanado dagaal dhiig badan ku taaday ay kujireen kadib ka baxayaan Afqaan ayna ujiheysan doonaan magaalada London.

Ciidanka Mariinizka mareykanka ayaa baneeyay Saldhigga melleteri ee leatherneck oo kuyaal gobolka Helmend ee galbeedka Afghanistan dhaca,saldhiggan oo weyninkiisu tuulo la egtahay waxaa lagu wareejiyay maleeshiyaadka xukuumadda dabadhilifka Afghanistan balse waxaa laga cabsi qabaa in mujaahidiinta Daalibaan ay kala wareegaan.


Calamada dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa laga dejiyay xarumo kuyaal magaalooyinka Afghanistan "Maanta waxaan ku dhawaaqeynaa in aan soo gaba gabeynay joogitaanka ciidanka Ingiriiska ee Afghanistan mana geli doono dagaal dambe oo shacabka Afghanistan ka dhan ah,sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan ubilaabaynaa in aan ciidanka labaxnoā€¯ayuu yiri Meykal Faalon wasiirka difaaca UK.

Dhinaca kale dufcaddii ugu dambeysay oo katirsan ciidanka Mareykanka ayaa isaga baxay saldhigga Melleteri ee Baastiyoon waxayna gacan ku heynta saldhiggaasi ku wareejiyeen ciidanka Afghanistan,taliyaha ciidanka Mareykanka Afghanistan ayaa isna xaqiijiyay in ciidankooda dhawaan kala bixi doonaan wadanka.

Isbaheysiga NATO ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in mujaahidiinta Daalibaan aan lagu jebin dagaalka oo wali ay yihiin cudud halis ku ah waxa loogu yeero dimuquraadiyadda.

Intabadan dhulka Afghanistan 80% waxaa maamula imaarada islaamiga Afghanistan waxaana lafilayaa in marka shisheeyuhu uu ka baxo wadanka ay bilaabi doonaan guluf dagaaleed ay ku sifaynayaan wadanka.




http://im48.gulfup.com/YeRjaD.jpg



Related Items